Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta si adag uga hadlay kiiska gabadhii ninkeeda uu ku gubay degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.
Inta badan xildhibaannada ayaa farriin u diray hay’adaha amniga, ayaga oo ugu baaqay inay si deg deg ah usoo qabtaan eedeysanaha oo baxsad ka ah cadaalladda.
Waxaan balan-qaadayaa inay Cadaalad heli doonto Luul Cabdicasiis, Hey’addaha amniguna dadaal ayey wadaan” ayuu yiri Xildhibaan Saabir Shuuriye oo ka hadlayay dhacdadan.