Cabdiweli Gaas oo war kasoo saaray xaaladda cakiran ee maamulka Puntland

35

Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa ka hadlay xaaladda cakiran ee mamaulkaas iyo gaar ahaan arrimaha doorashooyinka.

Gaas ayaa sheegay in walaac uu ka taagan yahay doorashada, gaar ahaan kalsooni darro laga muujinayo guddiga doorashada ee uu horay u magacaabay madaxweyne Saciid Deni.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday go’aankii kasoo baxay Isimada SSC, wuxuuna sheegay inuu saameyn ballaaran ku yeeshay guud ahaan Puntland, gaar ahaa doorashooyinka.

Xaaladda Puntland ayaa haatan ah mid cakiran, waxaana isugu darsamay khilaafka doorashada oo aan xal loo helin iyo go’aanka ay qaateen Isimada Dhaqanka ee SSC.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaana arriman ay kusoo aadayaan xilli lagu sii dhawaanayo maalinta doorashada oo ah siddeeda bisha Janaayo ee 2024-ka.