Wasiirka Arrimaha gudaha Maamulka Puntland, Cabdi Faarax Juxaa ayaa sheegay in uu guul ku soo dhamaaday wejiga kowaad ee hannaanka doorashooyinka qof iyo cod oo lagu doortay golayaasha degmooyinka.
Wasiir Juxaa ayaa sheegay in wejiga kowaad ee doorashooyinka ku dhisan hannaanka xisbiyada badan ee qof iyo cod lagu doortay 33 degmo oo ka tirsan Puntland, islamarkaana uu si guul ah kuku soo dhammaatay .
“Waxaan marna suurta-gal ahayn, oo reer Puntland aysan u qalmin in qolkii madoobaa ee mugdiga ahaa, ee dhabarka la isu xoqayay ee lacagta laaluushka ah lagu tirinayay in dib loogu noqdo marnaba suurta-gal maaha ayuu yiri Wasiir Juxa “.
Hadalka ka soo baxay wasiirka Arimaha Gudaha Maamulka Puntland ayaa ku soo aadaya Xilli Isimada Dhaqanka Puntland ay soo dhawaan soo saareen bayaan ay ku caddeeyeen in doorasho Qof iyo Cod aanay ka qabsoobmi Karin xillgaan degaanada Puntland.