Ilaa 7 ruux oo dhinacyada dagaalamay ah ayaa la xaqiijiyay iney ku dhinteen, tiro intaas ka badana ay ku dhaawacmeen dagaalka shalay galinkii dambe ka dhacay deegaanka Xananbuure ee ku yaala Waqooyiga Dhuusamareeb.
Labada maleeshiyo beeleed ayaa wali lasoo warinaya iney isku horfadhiyaan deegaanka, waxaana dagaalkooda la sheegay inuu ka dhashay murun ka bilaawday Ceel biyood laga dhisayo deegaanka.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya deegaanka Xananbuure ayaa sheegaya iney sidoo kale socdaan dadaalo nabadeed oo ay wadaan waxgaradka deegaanka iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug oo ku howlan sidii loo kala qaadi lahaa labada maleeshiyo beeleed ee wali xiisadooda ka taagan tahay Xananbuure.
Dagaalkaan ayaa sidoo kale kusoo beegmaya, iyadoo gobolka Shabeellaha Dhaxe uu ka socdo dagaal beeleed geystay khasaare baaxad leh oo isugu jira dhimasho, dhaawac, barakac iyo waliba guryo la gubay.