Soomaaliya oo Maanta ka qeyb galeysa doorashada tartanka Madaxweynaha Baarlamaanka Adduunka

41

Waxaa lagu wadaa in Maanta Caasimadda dalka angola ka dhacdo doorashada tartanka Madaxweynaha Baarlamaanka Adduunka oo sanadkaan markii ugu horreysay ay ka qeyb  galeyso Soomaaliya tan iyo wixii ka dambeeyay burburkii kadib.

Tartanka Madaxweynaha baarlamaanka Adduunka ayaa waxaa sanadkaan loo kali yeelay Haweenka kujira Baarlamaanka Afrika, waxaana ku tartamaya Afar Haween ah oo ay kamid tahay Xildhibaan Marwo Cabdi Bashiir oo katirsan Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Saacadihii la soo dhaafay waxaa Baraha Bulshada qabsaday warqad uu qoray Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur ( Madoobe) taas oo lagu sheegay in Xildhibaan Marwo Cabdi ay tartanka ka baxday, hayeeshee Xildhibaannada ayaa sheegtay in warqadaas markii ay aragtay ay fajac ku noqotay, isla markaana aysan jirin inay tartanka ka hartay.

Waxaa ay sheegtay Xildhibaan Marwo Cabdi Bashiir in ay tartanka ka qeyb galeyso, balse Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ay la xiriirtay uu u sheegay in Madaxda sare ee dowladda Ammar kasoo baxay uu Warqadaasi u soo saaray.

Siyaasiyiin farabadan ayaa ka falceliyay Qoraalka kasoo baxay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur ( Madoobe) ee uu ku sheegay in Xildhibaan Marwo Cabdi Bashiir ka hartay tartanka Madaxweynaha Baarlamaanka Adduunka, waxaana kamid ah xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur, isaga oo sheegay hadii ay libin ka keeni weeyso Xildhibaannada uu mas’uul ka yahay Gudodomiye Aadan Madoobe.