adaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay mowqifkiisa ku aadan wax ka bedelka hanaanka dowladnimada dalka oo uu sheegay iney ka dhalan karto dhibaatooyin waa weyn, isaga oo ku biiray Siyaasiyiinta kasoo horjeeda waxka bedel lagu sameeyo dasturka dalka.
“Waxaan si dhow ula soconnaa dhaqdhaqaaqyada ku aaddan wax ka beddelka qaabka dowladnimada, hanaanka baarlamaaniga ah, habka doorashooyinka qof iyo codka ah iyo hannaanka xisbiyada badan. Wax ka bedelka qodobadaas oo aan loo marin wadada saxda ah waxay keeni karaan in dalku uu dib ugu noqdo xasilooni darro iyo hubanti la’aan” ayuu yiri madaxweynahii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
“Baarlamaanka Federalka Soomaaliya waxaa waajib qaran iyo mid taariikhi ah ka saaran yahay in ay ka digtoonaadaan ansixinta qodobbada taabanaya jiritaanka dowladnimada ee aan loo marin hannaanka saxda ah, kuwaas oo abuuri kara kalsooni darro bulsho iyo jahwareer siyaasadeed.Waxaan garow sannahay ahmiyadda ay leedahay in la maqlo codka Dowlad Goboleedka Puntland oo ka maqan Madasha Wadatashiga Qaran si loo xaqiijiyo matalaaddooda ku aaddan arimaha masiiriga ah, taas oo aan looga maarmayn dawlad dhiska Soomaaliya” ayuu yiri Farmaajo.
Hadalkaan kasoo yeeray Farmaajo ayaa kusoo beegmaya, iyadoo Shalay qaar ka mid ah madaxdii hore ee dalka iyo siyaasyiin kale oo caan ah ay kasoo horjeesteen qorshaha wax looga badalayo hanaanka dowladnimada Soomaaliya.