Somaliland oo si adag uga hadashay Aqoonsiga dowladda Soomaaliya ee Maamulka SSC Khaatuma

36

Somaliland ayaa dagaal ka dhan ah jiritaankeeda ku tulmaantay aqoonsiga ay Dowlada Federaalka Soomaaliya siisay maamulka SSC Khaatumo oo hoggaamiyahooda ku sugan yahay Magaalada Muqdisho.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Dibada ayaa lagu cambaareeyay, iyada oo lagu sheegay in Soomaaliya aanay ka talin magaalada Laascaanood.

“Xukuumadda Somaliland waxay si adag u caddaynaysaa in aanay Soomaaliya iyo malleeshiyo beeleed midna ka talin ama sheegan Laascaanood” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Dibada Somaliland.

Aqoonsiga Dowlada Federaalka Soomaaliya ee SSC Khaatumo ayay Somaliland ku tilmaantay weerar ka dhan ah qaranimadeeda, “Aqbalaadda Soomaaliya ee ku dhawaaqida Maleeshiyada, waa weerar bareer ah oo lagu soo qaaday qaranimada iyo wadajirka Somaliland ee xuduudaheeda 26 June 1960”.

Warsaxaafadeedka waxaa lagu sheegay in Somaliland  haysatay madax-banaanideeda in ka badan 32 sano, isla markaana ay ka hirgelisay xuduudaheeda nabadgalyo, amni iyo dowlad dimuqraadi ah ayna si weyn uga qayb qaadatay horumarinta nabadda iyo xasilloonida gobolka, lakiin talaabada Soomaaliya ay khatar galinayso amniga.

 

“Tallaabadii ay Soomaaliya dhawaan ku marti-gelisay oo ay ku aqoonsatay hoggaamiyeyaasha maleeshiyada Somaliland-diidka ah ee Muqdisho ku sugan, ayaa si weyn u khatar gelinaysa nabadda iyo nabadgelyada gobolka, taas oo caddaynaysa in Soomaaliya ay ka qayb-qaadanayso hurinta dagaallada iyo xasillooni-darrada Laascaanood billowgiiba” ayaa lagu yidhi qoraalka.

 

Ugu danbayn Warsaxaafadeedka waxaa lagu sheegay in Xukuumadda Somaliland ay ugu baaqayso dowlada Soomaaliya inay gabi ahaanba ka laabato taageerada ay siiso SSC Khaatumo, isla markaana ay beesha caalamka usoo jeedinayso inay cambaareeyaan aqoonsiga.