Madaxweynaha Galmudug oo gaaray Magaalada Bacaadweyne

79

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi kaariye oo ay wehliyaan Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulkaadir Maxamed Nuur, Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Al-cadaala iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda federaalka iyo Galmudug ayaa goordhow gaaray Magaalada Bacadweyne ee koonfurta Gobolka Mudug halkaas oo dhawaan laga saaray Al-Shabaab.

Wafdiga waxaa Bacadweyne ku soo dhoweeyay masuuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka iyo Galmudug waxaana uu kulan la leeyahay Masuuliyiinta iyo Saraakiisha Ciidamada.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi kaariye ayaa degaannada Galmudug ka wada abaabulka dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo uu u xilsaaray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.