aalad degdeg ah ayaa lagu soo rogay magaalada New York iyadoo duufaano xooggan ay keeneen daadad waddooyinka xiray.
Qaar badan oo ka mid ah nidaamyada tareenada dhulka hoostiisa mara ee magaalada, iyo waddooyinka waaweyn ayaa daadadka gaareen, halka ugu yaraan hal terminal oo ku yaal Gegida Diyaaradaha ee La Guardia la xiray.
Ilaa 8 in (20cm) oo roob ah ayaa ka da’ay qaybo ka mid ah magaalada, waxaana la filayaa in dhowr inch oo kale jimcaha xili dambe, sida ay sheegeen waxda saadaasha.
Dadka ayaa laga dalbaday inay qaadaan tillaabooyin ay ku ilaalinayaan ammaanka oo “aysan isku dayinna inaad ku safraan waddooyinka daadku ku soo romaday .