Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ku billowday qarax is-miidaamin oo ay saaka Al-Shabaab ku qaadeen Deegaanka Laas Gacamey ee gobolka Mudug
Weerarka ayaa waxaa lala beegsaday goob ay ku sugnaayeen madaxweynaha Galmudug, xildhibaano iyo Senataro ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.