“Waad garan kartaa ciidan fara badan oo tababaran oo dhallinyaro u badan, oo xaalad kaste iyo cimilo kaste lagu tababaray, oo shan kun gaaraya ayaa Eritrea laga keenay. Shantaas kun ayaa Shabaab ka adkaa, haddii si fiican loo maamulo,” ayuu yiri wasiirku.
Wasiirku wuxuu sheegay in dowladda federalku dayacday ciidankeeda, isagoo sheegay in maalin kaste uu Shabaabku meel cidlo ah ku laynayo.
Wuxuu sheegay madaxweyne Xasan Sheikh iyo dowladdiisu inay masuul ka yihiin istaraatiijiyad la’aanta lagu laynayo ciidanka dowladda.
Eng. Caydiid. wuxuu sidoo kale sheegay dowladda federalka in aysan Puntland lasoo wadaagin xogaha AlShabaab. Wuxuu sheegay Puntland in ay halis ugu jirto Shabaabka ka baxsanaya howlgallada ka socda gobolada dhexe in ay degaanadooda kusoo dhuuntaan.
Wuxuu sheegay in ay ogyihiin saraakiil baxsaday oo aan la ogayn halka ay ku sugan yihiin.