ubnaha Guddiga Milliteriga ee Golaha Ammaanka ee QM waxaymaanta oo Arbaco ah yeelan doonaan Kulan Khaas ah oo looga hadlayo Tacadiyada ay la kulmaan Carruurta Soomasliyeed ee ku nool Deegaanada ay Colaaduhu ka socdaan iyo goobaha aan xasiloonayn.
Kulankaasi waxaa la sheegay inuu daba socdo Shir ay Kooxda Caalamiga ee u qaabilsan Badbaadinta Carruurta ku nool goobaha ay Dagaalada ka socdaan ka yeesheen xaalladda ay carruurta Soomaalida ku sugan yihiin.
Dhanka kale, Golaha Ammaanka ee QM waxay Toddobaadkan yeelan doonaan Kal-Fadhi aan weli la shaacinin xilliga la qabanayo, kaasi oo looga hadlayo Qaraarka Qabyada ee Golaha Amaanka ee QM ka soo saareen Kaydadka Dhuxusha ee yaalla magaalladda Kismayo iyo daafaheeda, oo khatar cabsi ku ah Xaalladda Faya-qabka iyo Badqabka dadka Rayidka ee ku nool Kismaayo iyo Deegaanada ku hareeraysan.