“Madaxweynaha sida aad la socotaan mudo bila ah ayuu Dhuusamareeb u joogay dardar galinta dagaalka ka dhanka ah kooxda shabaab hadana Maxaas wuxuu u yimid si uu usii laba jibaaro dagaalka Al-shabaab lagula jiro iyo sidii loo sixi lahaa madmadowga kasoo laabtay howlgaladii dhacay mudadii uu Dhuusamareeb joogay sida wixii Coosweyne ka dhacay oo kale ineysan markale dhicin” ayuu yiri Wasiir Cabdirisaaq Cumar.
Wasiiirka Batroolka iyo Macdanta Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo horeyna usoo noqday wasiirka Amniga Soomaaliya ayaa sidoo kale xusay in Maxaas ay tahay furin muhiim u ah dagaalka horayna ay u aheyd furimahii ugu horeyay ee Al-shabaab laga saaray, islamarkaana uu haatan madaxweynaha kasii hogaamin doono howlgalada.
“Madaxweynaha waxuu Maxaas u yimid sidii ciidanka deegaanka ee Macawiisleeyda uu ugu biirin lahaa iney kuwa qaranka kala qeyb qaataan dagalaka Shabaab, maadama Macawiisleeyda reer Hiiraan ay ahayeen kuwa ugu horeeyay ee dadka Soomaaliyeed iyo dunida tusay in lala dagaalami karo Shabaab, kuwaas oo ka xureeyay dhamaan bariga gobolka Hiiraan iyo qeybo ka mid ah Shabeellaha dhexe” ayuu yiri Wasiir Cabdirisaaq Cumar.
Si kastaba ha ahaatee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Shalay gaaray Maxaas ayaa saacadahii lasoo dhaafay kulamo lagu dardar galinaayo dagaalka Al-shabaab, halkaas kula qaatay masuuliyiin kala duwan oo isugu jira heer fedaraal iyo heer gobol, waxaana sido kale lagu wadaa inuu la kulmo saacadaha soo socda waxgaradka degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Maxaas.