Dagaal ka dhacay Muqdisho & Ciidanka Amniga oo qabtay Jeneraal sheegoow

11

Faah Faahino ayaa ka soo baxaya dagaal muddo 12 saacadood qaatay oo ka socday xaafada Kaawo Godey  oo ka tirsan degmada Dharkeenleey ee magaalada Muqdisho kaas oo  dhexmaray ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya.

Dagaalka ayaa waxa uu u dhexeyay ciidamo ilaalo u ahaa Jenaraal Sheegoow iyo ciidamada xasilinta Caasimadda ee loo yaqaano Booliis Militaaro.

Dagaalka ayaa bilowday  Xalay abaare 09:00 habeenimo, kaasoo ilaa saakay ka socda xaafada kaawo Godey ee degmada Dharkeenleey, waxaana la sheegay inuu dagaalka bilaawday kadib markii ciidanka xasilinta ku baxeen goob la Tilmaamay in askar hubeysan ku dhibaateynayeen dad shacabka ah.

Wararka ayaa sheegaya Labada dhinac ay isku adeegsadeen Hubka  noocyadiisa kala duwan, islamarkaana uu jiro khasaara kala duwan oo ka dhashay dagaalka, inkastoo aanan la xaqiijin karin inta uu dhan yahay khasaaraha.

Ugu dambeeyntiina Ciidamada Boolis Militaaro ayaa gaacanta ku soo dhigay Jeneraal sheegoow ka dib markii la hareereeyay Gurigiisa  sidoo kalenaa uu jiro khasaare soo gaaray cidankiisa oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Xaalada ayaa haatan degan lamana soo sheegin halka uu gaarsiisan yahay khasaaraha dadka shacabka ah soo gaaray.