Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya ayaa ballanqaaday in baaritaan lagu sameyn doono ciyaaryahan ku tartamayay magaca Soomaaliya uu u muuqday mid aan diyaar u aheyn tartanka ay ka qeybgashay.
Nasra Abuukar Cali ayaa u oroday si ay taageereyaasha Soomaaliya iyo kuwa isticmaala baraha bulshada ay ugu yeereen ‘mid murugo leh’ ayaa ku dhammeysatay orodka koowaad ee isreebreebka Ciyaaraha Jaamacadaha Adduunka ee FISU ee ka socda magaalada dalka Shiinaha.
“Wixii maanta (shalay) dhacay maahen mid munaasib ku aheyd ummadda Soomaaliyeed. Waan ka xumahay. Waan ka raalligelineynaa bushada Soomaaliyeed” ayuu Maxameda Barre u sheegay warbaahinta dowladda.
Wuxuu dhinaca kale hambalyo u diray orodyahanka Xasan Cali Iidow oo ka qeybgalaya isla tartankan Jaamacadaha ee dhinaca ragga, kaas oo galay kaalinta afraad, isaga oo u soo gudbay wareegga labaad.