Odoyaal iyo Waxgarad ku shirey Gobolka Gedo oo ugu baaqey DF ee Soomaaliya inay wax ka qabato Duqeymaha Diyaaradaha Kenya ay ka wado Degmada Ceel cade ee Gobolka Gedo.

144

Mudooyinkii ugu dambeeyey Diyaaradaha Ciidamada Kenya ayaa waxay Duqeymo ka geysanayeen degmada Ceelcade ee Gobolka Gedo,duqeymahaasi oo si joogta ay ugu dhacayey,islamarkaana beegsaneyey goobaha ay degan yahiin dadka shacabka  ayaa lagu soo waramayaa inay geysteen  khasaarooyin isugu jira,dhimasho,Dhaawac,Barakac iyo Bur bur hantiyeed.

Qaar ka mid ah Odoyaasha iyo Waxgaradka ka soo jeeda degmada Ceelcade ee Gobolka Gedo ayaa sheegay duqeymahaasi ayaa sheegay  Duqaymahaas Intii Ay Socdeen in ay  ku geeriyoodeen  Dad Shacab oo da, Ah iyo dad u badan haween iyo Caruur Oo Dhamaatood Aanan Waxbo Galabsan

Duqaymaha Diyaaraha Dagaal ay u Gaysteen Degmada Ceelcade ee Gobolka Gedo Waxaa Gabi ahaanta Ay Baabi,iyeen Guryo hooy U ahaa Dadka degaanka, Goobo Ganacsi Iskuulo,Masaajidyo Iyo Isgaarsiinti Halkaas Ku taalay

Odoyaasha iyo Waxgaradka ka Hadley kulanka ayaa ka dalbadey DF ee Soomaaliya Oo iyadu Mas’uul Ka Ah Guud ahaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed ,marnama Kama Ayna Hadlin Falkaasi lagu dhibateynayo Dadka degan Degmada Ceel cade ilaa iyo hadda ee Soo gaaray.

Ugu dambeen Odoyaasha iyo Waxgaradka ku kulmay degmada Garbahaarey ee ka walaacsan Xaaladan ayaa Bulshada Soomaaliyeed ugu Baaqey In Dadkaas Gurmad Bini,aadinimo lala soo gaaro.