Dawlada Sacuudiga oo soo bandhigtay Tirada Dadka Gudanaya waajibaadka Xajka ee Sanadkan

52

Dawlada Sacuudi Xarabbaiya  ayaa sheegtay in dalkeeda ay gaareen ilaa 1,655,188 qof oo doonaya inay gutaan waajibaadka Xajka.

Waaxda Soocdaalka ee Dawlada Sacuudi Carabaya ayaa sheegtay in dadka gaaray dalka Sacuudiga ay isugu jira kuwo safra dhulka ah ku galay dalkaas iyo kuwo diyaarad ku tagay, waxaana waaxdu intaa ay ku dartay Ilaa labo milyan oo qof ayaa sanadkan loogu talogalay inay gutaan waajibaadka Xajka.

Dowladda Sacuudiga ayaa tirada dadka gudanaya Xajka u qoondeysa dalalka Dalka Inodnesia ayaa hela tirade ugu badan, waxaa ku xiga Pakistan, Hindiya, Bangladesh iyo Nigeria iydao dalkeena Soomaaliya tirade la siiyay ay aad uga yartay tan la siiyay dalalka  .

Ugu Dambeeyntii Xujeeyda ayaa maalinta Berito ah gudan doona mid ka mid ah Rukniyada ugu muhiimsan arkaanta xajk iga istaagi doona banka carafe.