Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiga Sare oo Maanta dalka ka bilaabanaya

48

Imtixaanka Shahaadiga Dugsiga Sare ee dowladda ay qaadeyso ayaa lagu waddaa in uu maanta dalka ka billaawdo Muqdisho iyo Gobolada dalka marka laga reebo Somaliland iyo Puntland.

Qeybo ka mid ah Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa saakay si weyn loo adkeeyay, waxaana lagu waddaa in maanta ardayda dugsiyadda Sare ay u fadhiistaan Imtixaanka dowladda ee shahaadiga ah, iyada oo ay u fariisan doonaan ilaa 34,000 oo Arday.

Imtixaanka ayaa si rasmi ah maanta kaga bilaaban doona gobolka Banaadir, Galmudug, Hirshabeelle , Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Xarumaha  Imtixaanka lagu galaayo ayaa  waxaa la geeyay Ciidamo loogu tala galay in ay suggaan Ammaanka xarumahaasi iyo kormeerayaal loogu talo galay inay ilaaliyaan Imtixaanka,kuwaas oo qaarkood ka socda Wasaaradda Waxbarashada.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa lagu waddaa in ay kormeeraan Goobaha ay lagu qaadaayo Imtixaanka.