Khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Madaxweyaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni & Madaxda Dawlada Dhexe ee Soomaaliya ee kala Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barreoo isku dhinac ah iyo Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa saameeyn xooggan ku yeelan kara rajada Soomaaliya ee ah in deymaha uu ka cafiyo Sanduuqa Caalamiga ah ee Lacagta Adduunka (IMF) iyo deymaha kale ee dhinacyada badan leh, dhamaadka sanadkan, sida ay ka digayaan khubarada dhaqaalaha dalka.
Bishii Febraayo 2020, guddiyada fulinta ee IMF iyo Bankiga Adduunka ayaa ku dhawaaqay in Soomaaliya ay u qalanto deyn cafinta ka dib dib u habeyn lagu sameeyay dhaqaalaha iyo hay’adaha.
Xuseen Cabdikariim, la taliyihii hore ee madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in xoojinta daah-furnaanta maaliyadeed ay tahay shardi, si ay Soomaaliya u hesho deyn cafin, sidoo kalena deymo badan ay Soomaaliya ka hesho Sanduuqa Lacagta Adduunka ee IMF.
“Haddii Soomaaliya ay ku guuldareysato inay sii wado horumarka joogtada ah ee ay ku sameysay dib u habeynta maaliyadeed, waxay lumin kartaa rajada ah in laga cafiyo deynta lagu leeyahay ee ah $5.2 bilyan marka la gaaro dhammaadka 2023,” ayuu raaciyay Xuseen Cabdikariim.
Heshiis la’aanta dawladda federalka iyo dawladaha xubnaha ka ah federaalka ee ku saabsan federaalaynta maaliyadeed, iyo hufnaan la’aanta heshiisyada shidaalka iyo gaaska ayaa ah caqabadaha ugu waaweyn ee hadda jira oo khatar gelin kara horumarka Soomaaliya.” Xuseen Siyaad, oo ah la-taliye madax-bannaan oo dhinaca dhaqaalaha ah, ahaana wasiir ku-xigeenkii hore ee maaliyadda Soomaaliya, ayaa hadalkaan ku sheegay wareysi uu siiyay idaacadda.
Soomaaliya ayaa lacagta Deymah ah ee looga leeyahay dibada ayaa lagu qiyaasay in ka badan 5 bilyan oo doolar.
Waddamada u qalma in ay helaan Waddamada Faqiirka ah ee deymaha badan leh (HIPC) ee hindisaha IMF iyo Bangiga Adduunka waa in ay ballan-qaadaan isbeddel dhaqaale iyo mid maaliyadeed, iyo sidoo kale dhimista faqriga iyo xasilloonida siyaasadeed.