Wararka ka imaanaya Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in in saameyn xooggan uu ka dhashay Fatahaada Wabiga shabeelle uu ka geystay Magaaladaas.
Daadad ka soo rogmaday Biyaha Webiga Shabeelle ee magaalada Baledweyne ayaa sababay in uu istaago isu scodka guud ahaan xaafadaha magaalada Baledweyne.
Dadkii degana afarta xaafadood ee Baledweyne ayaa u barakacay degaanka Ceel jaalle ee duuleedka magaalada Baledweyne oo ah meel aysan gaarin biyaha wabiga Shabeelle oo mar walba uu wabiga fatahaad sameeyo loo barakaco.
Xaafadaha laga barakaacay ayaa kala ah , Kooshin, Xaawa taako, Howlwadaagiyo Buundaweyn waxaana Biyahha Xaafadahaas ku rogmaday ay gaaraan 2 mitir oo joog sare ah mana jirto illaa hadda gurmad loo fidiyay Qysaska danyarta ah ee ku noolaa xaafadaha Fatahaada uu ka geystay Webiga Shabeelle .