Maamulka Puntland ayaa jawaab ka bixiyay hadal shalay ka soo yeeray madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ahaa in Puntland ay qayb ka tahay colaadda muddaba ka taagan magaalada Laascaanood ee Xarunta gobolka Sool.
Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa BBC-da u sheegay in Puntland aaney qayb ka aheyn dagaalkaasi waxaana dhankiisii uu ku eedeyay Madaxweyne Biixi in ay dadka la dagaallamaya ay yihiin kuwiii uu dulmiyay waa sida uu hadalka u dhigaye, mana ahan markii ugu horreysay oo labada dhinac waa Puntland iyo Soomaaliland ay hadallo caynkaan kale ah warbaahinta isku mariyaan.
Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa sidoo kale sheegay in Somaliland dadka la dagaalamaya ay yihiin dadkii uu dulmiyay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, isla markaana mowqifka Puntland uu yahay in taladooda loo ogolaado dadka Magaalada Laas-Caanood, lagana daayo madaafiicda lagu garaacaayo.
Tan iyo markii uu billaawday dagaalka Magaalada Laas-Caanood ayaa Somailand iyo Puntland waxaa ay midba midka kale ku eedeeynayeen inay hurinayaan Colaada magaalada Laas-Caanood, waxaana weli jirin cid xal ka gaartay colaadaas, isla markaana dhinacyadii dagaalamay ay weli is hor-fadhiyaan.