Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa magacaabay xubno wasiirro ah.
Ra’iisul Wasaaruhu markuu arkay:
Qodobka 98aad faqradiisa 2aad Xar. A&B ee Dastuurka KMG.
Qodobka 100aad Xarfaha A, B iyo C ee Dastuurka KMG.
Howlaha baaxadda leh ee horyaala Xukuumadda JFS.
Markuu tixgeliyay:
Talada Madaxweynaha JFS
Markuu garowsaday:
Baahida loo qabo magacaabidda Xubnahan Golaha Wasiirrada JFS, wuxuu magacaabay:
1. Mudane Cabdikariim Cabdow Xaydar – Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada
2. Mudane Axmed Jaamac Cumar – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu kula dardaarmay in xilkooda u gutaan si waafaqsan Dastuurka, ummadda Soomaaliyeedna ugu adeegaan si ay ku dheehan tahay Alle ka cabsi iyo masuuliyad.
Mudane Xamse ayaa u rajeeyay in Eebbe uu ku asturo masuuliyadda culus ee loo igmaday.