Ciidamada Mareykanka ayaa diblumaasiyiin Mareykan ah iyo qoysaskooda ka daad gureeyay magaalada Khartoum, sida uu sheegay madaxweyne Joe Biden.
Sarkaal Mareykan ah ayaa sheegay in wax ka yar 100 qof laga qaaday Sudan subaxnimadan Axadda ah kadib markii saddex helikobter oo Chinook ah ay ku degeen meel u dhow safaaradda Mareykanka si ay dadkaasi u soo qaadaan.
Rabshado xooggan ayaa todobaadkii hore ka qarxay magaalada Khartoum kuwaasi oo u dhexeeya laba ciidan oo iska soo horjeeda.
Loolanka awoodeed ee u dhaxeeya ciidamada millitariga ah ee Suudaan iyo ciidamo gurmad ah oo lagu magacaabo RSF ayaa dhaliyay duqeymo culus oo ka dhacay magaalada caasimadda ah, iyadoo boqolaal ay ku dhinteen kumanaan kalena ay ku dhaawacmeen.
Mr Biden ayaa u mahad celiyay dalalka Jabuuti, Itoobiya iyo Sacuudiga, isagoo sheegay in ay muhiimad gaar ah u lahaayeen guulaha laga gaaray howlgalladayada, isagoo si diiran u ammaanay shaqaalaha iyo ciidamada safaaradda Mareykanka.
Safaaradda Mareykanka ee Khartoum ayaa hadda xiran.
Waxay ahayd daad gureyntii labaad ee muwaadiniinta ajnabiga ah tan iyo markii ay rabshaduhu ka qarxeen caasimadda Sudan toddobaadkii hore.
Sabtidii, in ka badan 150 qof oo isugu jira muwaadiniin, diblomaasiyiin iyo saraakiil caalami ah ayaa laga daadgureeyay badda iyadoo la geeyay dekedda Jeddah ee Sacuudi Carabiya.
Waxay u badnaayeen muwaadiniin u dhashay dalalka Khaliijka, iyo sidoo kale Masar, Pakistan iyo Canada.
wasaaradda arrimaha dibadda ee Faransiiska ayaa ku dhawaaqday inay billowday inay muwaadiniinteeda iyo shaqaalaheeda dublamaasiyadeed ka daad gureyso Sudan, sida ay sheegtay warbaahinta Faransiiska.
Garoonka diyaaradaha ee magaalada Khartoum ayaa dhowr mar lagu weeraray madaafiic iyo rasaas, taasoo ka dhigtay mid aan suurta gal ahayn duulimaadyadii halkaasi ka bixi lahaa.
UK ayaa sheegtay in ay ka fiirsanayso sidii ay shaqaalaheeda uga saari lahayd Khartoum.