Maxaabiis uu cafis u fidiyay Madaxweyne Xasan Sheekh oo la siidaayay

53

127 maxbuus oo ku xirnaa Xabsiga dhexe ee Xamar iyo Xabsiga MBC ee Ex-control Afgooye, ayaa saaka lasii daayay markii uu cafis u fadhiyay Madaxweynaha  Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Munaasabadda Ciidda Awgeed.

Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo gudanaya waajibaadkiisa Dastuuriga ah ayaa soo jeedin u sameeyay Madaxweynaha JFS in cafis madaxweyne lagu sii daayo maxabiista ku xukuman dambiyada fudud ee ku xirnaa xabsiga Dhaxe ee Xamar iyo Xabsiga MBC ee KM7.

Sanad kasta marka la gaaro Maalmaha Ciida ayaa Madaxda ugu sareeysa dalka iyo Madaxda dowlad Goboleedyada waxaa ay cafis u fidiyaan qaar kamid ah Maxaabista dambiya fudud.