15kun oo Qoys ayaa ku barakacay Roobab culus oo Daadad watey oo ka da.ay degmada Baardheere todobaadkii la soo dhaafey.waxaa kale oo jirey dad gaaraya ilaa 16 ruux inay ku dhinteen daadadka.halka ilaa 5 ruuxna ay ku dhaawacmeen.
Todobaad ka dib waxaa weli haawanaya guryahii ay deganayeen dadka ku barakacay daadadka oo inta badan bur burey,halka kuwa kalena ay weli ay dhex fidhiyaan Biyaha.mana muuqato ififaalo ay Qoysaskasi dib ugu laaban karaan Guryahooda.
Xaafadaha ugu daran ee laga barakacay ayaa waxaa ka mid ah.Kaskey. Bulo Kurmaan. Bulo kulow. Bulo gediyo.musawa.iyo Bulo garas.
Baahilo macalin salaad waa hooyo qpyskeedu uu ka kooban yahay ilaa 8 ruux.waxay ka mid rahay Qoysaska ku barakacay Roobabkii daadadka watey ee ka da.ay Baardheere.waxayna sheegtay inay u barakacdey xaafado kale oo ay Qaraabo yahiin,Gurigeeda oo ku dhowaa Togga weyn ayey sheegtay muddo 10 saacadood ah in ay ku jirtey xaalad go,doon ah,waxayna waxay sharaxaysaa khasaaraha soo gaarey
“ Roobka muddo toban saacadood ah ayuu nagu da,aayey,ka dibna waxaa dhacay Toggi weynaa ee deriska aann la ahayn inuu nagu soo fatahay oo aan galney xaalad go,doon ah,waxaan weynay wax noo soo gurmada,waa berigii ayaa si dirqi ah guryaha nalooga saarey,dhamaan waxii raashin ahaa iyo agab xaga hoyga ah waxaa naga qaadey Daadka sidaasi waxaa tiri Baahilo macalin salad oo ka mid ah Qoysaskii kubarakacay daadadka.
Dhibaatooyinka kale ee ay sababeen Daadadka,waxaa burburey inta badan goobahii ganacsiga ,sida Bakhaarada iyo Dukaamada.waxaa daadadka ay la tageen Raashinkii daruuriga ahaa Bakhaarada iyo dalagyada Khudaartii taaley Suuqyada Baardheere.
Cabdiqaadir Maxamed Cabdi(Cabdiqaadir Caseeye waxaa uu ka mid yahay Ganacsatada iibisa noocyada kale duwan ee Raashinka ,waxuu sheegay khasaaraha soo gaarey ganacsatada deegaanka inuu ahaa kii ugu balarnaa ee soo gaara,maanta ma jirto wax ganacsi oo ka shaqeynaya deegaanka.
Ganacsade Cabdi qaadir ayaa sheegay lacag u dhiganta 15kun oo Dolar in ay kaga baab,dey Daadka Roobkii cuslaa oo Bakhaarkiisa ay Biyaha daadka ay buux dhaafiyeen,waxuuna tilmaamay dhamaan waxa hanta ee khasaarey inuu isagu lahaa.
“Bakhaar ganacsi ayaa ii furnaa muddo ka badan ilaa 30 sanno waxaan iibin jirey Badeecooyinka Ganacsi ee jumlada ,maanta xaalkeygu caadi ma ahan waan ku hanta belay,mar haddii aan khasaarey meel aan fadhiyo iima muuqato waxaan dib u bilaabi doonaa ganacsiga ay ku tiirsaneyd nolosha qoyskeyga sidaasi waxaa yiri Cabdiqaadir Maxamed Cabdi(Cabdiqaadir Caseeye oo ka mid ah Ganacsatada Baardheere.
Maxamuud Ibraahin Faradheere waa Madaxa Arimaha Bulshada Maamulka degmada Baardheere waxaana uu sheegay in xaalad nolol xumo ay wajahayaan kumanaanka Qoys ee ku barakacay musiibadii ka dhacdey Baardheere,dhibatada ugu daran ee ay qabaan dadka ku brakacay daadadka waxaa ugu daran Cunno la,aan iyo Hoy la,aan.
HALKAN KA DHAGEYSO WARBIXINTA KHASAARAHA KA DHACAY BAARDHEERE