Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Laascaanood oo madfac ka bad-baaday

140

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya madaafiic ay ciidamada Somaliland saacadihii lasoo dhaafay ay ku garaaceen gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, halkaas oo ay shalay ku dagaalameen labada dhinac.

Wararka waxa ay sheegayaan in mid kamid ah madaafiicda uu ku dhacay xarunta degmada Laascaanood, xilli ay ku sugnaayeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada oo uu ku jiro maayar ku xigeenka magaalada Laascaanood iyo xildhibaano kamida golaha degaanka.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in dhammaan mas’uuliyiinta ku sugnaaa xarunta degmada ay ka badbaadeen madfacaasi, balse waxaa lagu soo warramayaa inuu burbur soo gaaray degmada iyo gawaari dhex taalay gudaha xarunta.

Axmed Kowte oo ah maayar ku xigeenka maamulka magaalada Laascaanood oo ka mid ah ragga ka badbaaday weerarkan ayaa ka warbixiyay sida ay wax u dhaceen, waxaana eedeymo culus uu u jeediyay Somaliland, ciidankeeda iyo madaxdeeda.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay inay sii wadi doonaan dagaalka ay kula jiraan Somaliland, illaa inta ay isaga baxeyso deegaanada SSC.

Si kastaba, dagaalka ka socda xarunta gobolka Sool ee Laascaanood ayaa galay bishii labaad xiriir ah, waxaana ku dhintay illaa 200 oo qof, halka ay ku dhaawacmeen in ka basan kun qof oo kale oo u badan dad rayid ah.

Dhanka kale labada dhinac ayaa ka weli diidan dadaallada lagu doonayo in lagu qaboojiyo xiisaddaas, waxaana fashilmay dhowr isku day oo la sameeyay, kadib markii ay labada garab-ba ay ka dhaga fureysteen baaqyada nabadda ee loo dirayo, si wadahadal loogu dhammeeyo arrinta Laascaanood, loona joojiyo dhiigga ku daadanaya magaaladaasi.