Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa saaka markale fulisay xukun dil toogasho ah, kaas oo lagu dilay saddex nin oo lagu helay fududeynta qaraxyo ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Saddexda nine ee tiirka la geeyay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Maxamed Cabdulle Abkow Cumar (Biyamaalow), Shariif Maxamed Barqadle Ayaanle (Jeego) iyo Maxamed Cabdi Nuur Jiirow (Dr. Fanax).
Biyamaalow iyo Jeego oo horay xukun dil ah loogu riday ayaa ahaa saraakiil ka tirsanaa Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, balse waxaa lagu helay la shaqeynta Al-Shabaab iyo inay fududeeyeen qaraxyo ka dhacay Muqdisho.
Sidoo kale Dr. Fanax oo lahaa dhowr magac oo kale ayaa waxaa lagu helay inuu ka tirsanaa Al-Shabaab, sidoo kalena uu geystay dilal qorsheysan iyo qaraxyo, waxaana laga soo xiray magaalada Beledweyne, kadibna sidaas loogu soo gudbiyay Maxkamadda Ciidamada oo saaka dil toogasho ah ku fulisay.
Maalin ka hor ayey aheyd markii sidaan oo kale ay Maxkamadda Ciidamada u toogatay laba askari oo ka tirsanaa ciidanka Booliska Soomaaliya, kuwaas oo lagu helay dilal ay horey uga geystaan magaalada Muqdisho.