Guddi xaqiiqo raadin ah oo Qaramada Midoobay ay dirtay ayaa gaaray Magaalada laascaanood oo todobaadyadii ugu dambeeyay uu ka socday dagaal culus oo u dhaxeeyay Ciidanka Maamulka Somaliland iyo kuwa dadka degaanka.
Guddigan ayaa u tegay Magaalada Laascaanood si ay u soo baaraan wixii ka dhacay Xarunta Gobolka Sool, iyagoona halkaasi kulamo kala duwan kula qaatay odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka
Garaad Mukhtaar Garaad Cali Buraale oo ka mida Isimada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda degaannada Gobollada Sool, Sanaag iyo Ceyn, ayaa sheegay in ay soo dhaweeyeen guddi xaqiiqo raadin ah oo ka socda Qaramada Midoobay.
Gaaradka ayaa shaaciyay in cadeymaha la siiyay guddiga ay yihiin kuwa muujinayo gabood fallo uu sheegay in Ciidanka Maamulka Somaliland ay ka geysteen Magaalada Laascaanood.
Cadeymaha loo gacan geliyay guddigan ayuu garaadku sheegay in ay ku jiraan kuwa muujinaya duqeymaha ay Ciidanka Somaliland la dhaceen Magaalada Laascaanaood, gaar ahaan goobaha ay ku kulmaan Shacabka iyo xarumaha caafimaadka.
Garaadka ayaa sidoo kale qeexay in guddiga ay la wadaageen khasaaraha nafeed iyo midka hantiyadeed ee ka dhashay dulaan uu sheegay in Ciidanka Somaliland ay ku soo qaadeen Magaalada Laascaanood.
Guddigan ayaa lagu wadaa in ay la kulmaan hoggaanka Maamulka Somaliland, si ay ugala hadlaan waxa sababay dagaalka iyo duqeymaha Magaalada Laascaanood.
Kulanka hoggaamiyaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi kadib, guddiga ka socda Qaramada Midoobay ayaa guda geli doona baaritaankooda ku aadan dagaalka iyo duqeymaha Xarunta Gobolka Sool.
Dagaalka Laascaanood ayaa qarxay bishii la soo dhaafay kadib markii hogaanka dhaqanka Gobollada Sool, Sanaag iyo Ceyn ay ku dhawaaqeen ay wax la qeybsanayaan Soomaalida inteeda kale, taasi oo macnaheedu tahay in aysan dooneyn ku hoos-noolaanshaha Maamulka Somaliland.
Go’aanka hoggaanka dhaqan kadib waxaa xigay dagaal iyo duqeymo loo joogteeyay magaalada Laascaanood, waxaana goobaha la duqeeyay ka mid ahaa guryo shacab iyo xarumo caafimaad.
Dhaawaca ayay ku sheegen in uu kor u dhaafayo 1,000 qof, kuwaasi oo qaarkood la geeyay isbitaallo ku yaalla Magaalada Garoowe, halka kuwa kalena loo soo daabulay Magaalada Muqdisho, si loola tacaallo xaaladooda caafimaad.
Muddada halka bilood ee uu dagaalka ka socday Magaalada Laascaanood waxaa ka barakacay 200,000, kuwaasi oo 100 kun ka mid ah ay ka tallaabeen xadka dalka Itoobiya, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Hay’adda UNHCR oo arrimaha qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay.