Xaaladda Abaarta ka taagan Gobolka Gedo ayaa waxay maraysaa meeshii ugu adkeyd, waxaa dhammaaday daaqii xoolaha, waxaana guray warahii, Ceelashii iyo togaggii biyaha laga heli jirey, waxaana baaba’ay inta badan xoolihii reer guuraaga ay dhaqan jireen, sidoo kale beeralaydii roob falatada ahaa ayaan waxba beerin sanadkan, waxaana jira wal wal iyo cuno yaraan haddii xaaladda ay sidaan kusii socoto.
Axmed Buulle Gareed waa Guddoomiye Maamulka Gobolka Gedo oo iminka ku sugan degmada Baardheere ayaa isaga oo la hadlay Barnaamijka Wadaaga Radio Markabley ayaa waxa uu ka deyriyey dhibaatada nolol xumo ee ka dhashay abaarta iyo gurmad la’aanta ka taagan Gobolka, isagoo sheegay xoolo dhaqatii Gobolka in Xoolahii ay dhaafeen , haddii aan la helinna gurmad caalami ah in ay dhici karto in dad badan ay u dhintaan harraad iyo Gaajo.
Gudoomiyaha ayaa dhinaca kale waxaa uu xusey degmooyinka Buurdhuubo,Luuq,Dolow,Baladxaawo iyo Garbaharey,dadka ku barakacay Abaarta ka hor degmooyinkaasi inay ahaayeen 18kun oo Qoys,balse hadda dadka ku barakacay ay gaarayaan ilaa 18 kun oo Qoys.
“Abaarta gobolka aad bay uga sii dartay, maalinba maalinta ka dambeysa xaaladda wey sii adkaaneysaa, Todobaadyada soo aadan waxaan ka baqeynaa in macluusha ay bilaabato abaarta xooggan awgeed” ayuu yiri guddoomiyaha Gobolka Gedo.
Deegaanada ugu daran ee dhibtaada Abaarta ayaa waxaa ka mid ah Deegaanka Geriley oo ka tirsan Gobolka Gedo una dhow Xaduuda Kenya,halkaasi oo baryahii la soo dhaafey ay dad u badan caruur ugu dhinteen Cuduro ka dhashey Abaarta.
Maxamuud Cabdile Warsame oo ah Gudoomiyaha Deegaanka Gerileey ayaa sheegay dadka deegaanka xilligan in ay wajahayaan daruufo Qalafsan oo ay ugu daran yahiin,Biyo la,aan,Cunno yari iyo Cuduro soo ridanaya,kuwaasi oo qaarkood ay u dhinteen ,halka kuwa kalena ay u jiifaan,waxuuna ka Codsadey hay,adaha Samafalka iyo Waxgaradka Gobolka in ay gurmad bini,aadinimo ay la soo gaaraan dadka deegaanka.
“Seddexdii bilood ee la soo dhaafey 30 caruur ah ayaa Geriley iyo nawaaxigeeda Xanuuno iyo Cuduro ka dhashey Abaarta u geeriyoodey,xaalada ayaa hadda waxay maraysaa meeshii ugu adkeyd dadka reer miyiga ah ayaa bilaabay in ay ka talaban soohdinta Soomaaliya iyo Kenya ,si ay biyo baad u helaan sidaas waxaa yiri Maxamuud Cabdile Warsame oo ah Gudoomiyaha Maamulka deegaanka Gerileey.
HALKAN KA DHAGEYSO WARBIXINTA XAALADA ABAARTA