Xiisad dagaal oo ka taagan Laascaanood iyo wararkii ugu dambeeyey

57

Wararka laga helayo gobolka Sool ayaa sheegaya in maanta dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo oo ay wadaan ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka laga dareemayo duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolkaasi.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegaya in ciidamadii ugu badnaa ay Somaliland soo dhoobtay bariga Laascaanood oo haatan ay isku uruursanayaan.

Ciidamada Somaliland ay geystay halkaasi ayaa gaaraya illaa 4 kun oo askari, kuwaas oo isku jiro milatariga iyo kuwa loo yaqaano RRU ee sida gaarka ah u tababaran, sida ay ku warrameen ilo wareedyo xilkas ah oo la hadlay Warbaahinta ee magaalada Muqdisho