Ciidamada Somaliland oo markale madaafiic ku garaacay Laascaanood

71

Ciidamada milatariga Somaliland ayaa markale maanta madaafiic xoogan ku garaacay gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, waxaana dhankooda jawaab ka bixiyay ciidamada dadka deegaanka ee ku sugan halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in dagaal kooban uu dhex-maray labada dhinac, kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay madaafiicda iyo dagaalk xigay, balse xaaladda ayaa haatan mid deggan.

Dhinaca kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in dowladda federaalka Itoobiya oo ku howlan dhex-dhexaadinta labada dhinac ay u yeertay madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, si ay ugala hadasho arrinta magaalada Laascaanood.

Arrimaha lagala hadlayo madaxweyne Biixi ayaa waxaa ka mid ah sidii uu ciidamadiisa ugala bixi lahaa magaaladaasi, si marka hore loo dhaqan-geliyo xabad joojinta, kadib loo wadahadlo, waxaa sidaas ku warramay ilo wareedyo xilkas ah.

Lam shaacin xilliga uu madaxweynaha Somaliland tegayo caasimadda Addis Ababa, balse waxaa haatan Itoobiya ku sugan madaxda mucaaradka ee maamulka Hargeysa oo iyaguna la casuumay, kuwaas oo dhankooda doorashada kula dagaalamayo madaxweyne Biixi.

Xaaladda guud ee Somaliland ayaa ah mid kacsan, waxaana xiisadda taagan uga sii daray dagaalka magaalada Laascaanood oo qaatay muddo bil ah, isla-markaana sababay dhimashada 200 oo qof, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 1,000 kale oo u badan dad rayid ah oo aan waxba galabsan, waxaa sidoo kale ku barakacay illaa 200,000 oo qoys.