Xukuumadda Soomaaliya oo shaqo joojin ku Sameeyay guddiga maamulka Hawada

54

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisal  Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa lagu sheegay in shaqo joojin lagu sameeyay  guddiga maamulka hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya ,kadib markii lagu eedeeyay wada shaqeyn la’aanta howlwadeenada guddiga maamulka iyo hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

Warqad sumadeedu tahay XFR/0115 oo ka soo baxday Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha  5-tii bishaan Maarso ayaa lagu sheegay in Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre  uu shaqada ka joojiyay guddiga maamulka hay’adda Duulista Hawada Soomaaliyeed, kadib wada shaqeyn la’aanta howlwadeenada guddiga maamulka iyo hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo la sheegay iney cuuryaamin karto adeega Caalamiga ah iyo kan Wadaniga oo ay u xilsaaran tahay hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed

Ra’iisal Wasaaraha  ayaa sidoo kale faray Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya in ay soo diyaariso, islamarkaana u soo gudbiso Golaha Wasiirradda wax ka badalka sharciga hay’adda si ay ula jaan qaado hay’adaha Duulista Rayidka ee Caalamka, sidoo kalana Xukuumadda ay u soo gudbiso habraaca guddiga maamulka hay’adda.