Macalimuu oo mar kale loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Gedo

36

Maamulka Jubaland ayaa mar kale u magacaabay Cismaan Nuur Xaaji Macallimu, guddoomiyaha gobolka Gedo.

Madaxweyne ku xigeenka Jubaland oo shaaciyay magacaabistiisa ayaa sheegay in Macalimuu haatan laga bilaabo uu mas’uul ka yahay howlaha amniga iyo siyaasadda gobolka.

Macallimu waxaa xilka laga qaaday bishii January 2021, wuxuuna ahaa ninka ugu magaca dheer maamulkii Gedo ka jiray sanadkii 2020, xilligaas oo ciidamada Federaalka iyo kuwa maamulka Jubaland ay dhowr jeer ku dagaallameen magaalada istaraatiijigga ah ee Beled Xaawo.