Maamulka degmada Baardheere iyo Gudiga Horomarinta oo ugu Baaqey Bulshada Degmada ka qeyb qaadashada Shubka Buundada Kurman.

79

Kulan baaaran oo ay ka qeyb galeen Mas,uuliyiinta Maamulka degmada Baardheere,Guddiga Horomarinta iyo Guddiyada Xaafadaha degmada ayaa lagu qabtey Xarunta Maamulka degmada Baardheere.

Kulanka ayaa ujeedadiisu waxay ahayd siddii maalinta beri oo Arbaco ah Bulshada ku dhaqan degmada Baardheere iyo Nawaaxigeeda ay ugu qeyb qaadan lahaayeen shubka ugu dambeeya ee Dhismaha Buundada Kurmaan.

Ka dib kulanka Shirka Jaraa,id oo ay si wadajir u qabteen Xubnaha Gudiga Horomarinta iyo Maamulka degmada ayaa waxaa ka Hadley, Nabadoon Shiine Gundoon,Nabadoon Faarax Hire,Nabadoon Maxamed Ibraahin Macuush iyo Maxamed Ibraanin Faradheere.