Dagaal culus oo ka socda magaalada Laascaanood iyo wararkii ugu dambeeyay

54

Dagaalka maanta dib uga qarxay Laascaanood ayaa ka xoogan kuwii horay uga dhacay gudaha magaaladaasi, kaas oo galay maalintii 16-aad oo xiriir ah, wuxuuna u dhexeeyo ciidanka milatariga Somaliland iyo sidoo kale kuwa dadka deegaanka.

Dagaalkan ayaa yimid, kadib markii ciidamada Somaliland ay maanta saddex jiho ka weerareen magaalada Laascaanood, waxaana kadib xigay dagaal foolka fool ah.

Wararka ayaa sheegaya in labada dhinac ay weli isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, ayada oo daryanka hubka laga maqlayo meelo ka baxsan magaalada.

Sidoo kale waxaa dagaalka barbar socda madaafiic ay ciidamada milatariga Somaliland ku garaacayaan bartamaha magaalada, taas oo sii adkenaysa xaaladda ka taagan halkaasi.

Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in dagaalka uu ku fiday goobo horleh oo ka baxsan Laascaanood, waxaana lagu soo warramayaa in laga barakacay aagga deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, halkaas oo laga dareemayo xaalad kacsanaan ah iyo dhaqaaqyo ciidan.

Afhayeen u hadlay SSC oo lagu magacaabo Cabdirisaaq Falaalug ayaa shaaca ka qaaday inay guullo ka gaareen dagaalka maanta, isaga oo tilmaamay inay iska caabiyeen S/land.

Dagaalka ka socdo magaalada Laascaanood ayaa galay todobaadkii saddexaad oo xiriir ah, wuxuuna sababay khasaare dhimasho, dhaawac, burbur iyo barakac xoogan.

Dhimashada ayaa ku dhow illaa 100 qof, halka dhaawacuna uu gaarayo illaa 500 oo ruux, sida lagu sheegay warsaxaafadeed ay soo saaray odayaasha dhaqanka ee gobolka Sool.