Mas’uuliyiinta Baardheere iyo Saraakiil Ciidan oo ka Tacsiyeeyey Geeridii Dhame Maxamed Aweys

83

Ka dib markii subaxnimadii hore ee Shaley Qarax Miino lagu diley Dhame Maxamed Aweys oo ahaa Taliyahii Ururka 28aad ee Ciidamada DF ee ku sugan degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo ayaa waxaa ka tacsiyeeyey Geeridaasi Mas,uuliyiin Maamul Gobol,Degmo,Xildhibaano iyo Saraakiil sare oo ka tirsan Ciidamada XDS.

Hadaba Shir jaraa;id oo ay Maanta ku Qabteen Xarunta Maamulka degmada Baardheere,Mas’uuliyiin ay ka mid yahiin Laba Xidigle Cali Cismaan Jiijle oo ah Taliyaha Ururka 49aad ee Ciidanka XDS Baardheere  iyo Buraale Ibraahin Xaaji oo ah Xoghayaha Dowlada Hoose degmada Baardheere.

Labadan Mas’uul ayaa marka hore waxay ka Tacsiiyeen Geeridda Marxuum Maxamed Aweys oo ay ku tilmameen inuu ahaa halyey laf dhabar u ahaa halgankii loo soo galey Xoreynta inta badan degmooyinka Gobolka Gedo.

Waxayna ka dalbadeen,Maamulka Gobolka Gedo,Saraakiisha Ciidamada, Madaxda Sare ee DF iyo Taliyaha Ciidanka XDS  in Baaritaan lagu sameeyo Qaraxa lagu diley Marxuum Maxamed Aweys.

Qaraxa lagu diley Sarkaalka ayaa isla shaley waxaa sheegatay Alshabaab oo sheegtay inay ka dambeysay Qaraxa lagu diley Sarkaalka,ilaa iyo hadda wax war ahna kama soo baxin Laamaha Amniga Gobolka Gedo.

 

HALKAN KA DHAGEYSO SHIRKA JARAA,ID EE TACSIDA MARXUM DHAME