Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ansixiyay sharciyo muhiim ah

43

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta kulan ku yeeshay Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho, iyaga oo ansixiyay sharciyo muhiim ah.

Kulanka oo uu shir guddoominayay Guddoomiye kuxigeenka 2aad ee Golaha Shacabka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa 150 mudane, waxaana dhamaan xildhibaannada ay ansixiyeen soo jeedin ka timid Guddoomiye Abshirow oo aheyd in Xildhibaan walba Bishaan mushaarkiisa laga jaro Boqolkiiba labaatan si loogu caawiyo dadka uu saameeyay dhul gariikii ka dhacay dalka Turkiga.

Dhinaca kale Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa ansixiyay hindise sharciyeedka nidaamka Maaliyadeed ee kheyraadka dhulka hoostiisa, waxaana ansixiyay 148 mudane halka laba Xildhibaan ay ka aamuseen.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Cilmi Maxamed Nuur oo kulanka Goobjoog ka ahaa ayaa Xildhibaannada uga mahad celiyay ansixinta hindise sharciyeedka nidaamka Maaliyadeed ee kheyraadka dhulka hoostiisa, isaga oo sidoo kale sharaxaad ka bixiyay muhiimada uu dalka u leeyahay sharcigaan.

Sidoo kale Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa ansixiyay Hindise sharciyeedka Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya oo Xildhibaannada dhowr jeer ka doodeen, waxaana ansixiyay 149 Xildhibaan, waxaana ka aamusay hal Xildhibaan mana jirin Xildhibaan diiday.