Shirkadda Flydubai oo duulimaadyo toos ka bilaabeyso garoonka Muqdisho

52

Shirkadda diyaaradaha Flydubai ayaa shaacisay inay 9-ka Maarso ay bilaabi doonto duulimaadyo toos ah oo isku xiraya magaalooyinka Dubai iyo Muqdisho.

Flydubai oo laga leeyahay dalka Imaaraadka Waxay kordhin doontaa duulimaadyada oo ay ka dhigi doonto laba jeer maalin kasta laga bilaabo 1-da Juun.

Muqdisho waxay noqon doontaa meesha 11aad ee Afrika ku taalla oo ka shaqeysa Flydubai, oo hadda tagta Addis Ababa, Itoobiya; Alexandria, Masar; Asmara, Eritrea; Dar es Salaam, Tanzania; Jabuuti; Entebbe, Uganda; Khartoum, Suudaan; Juba, Koonfurta Suudaan; iyo Zanzibar.

Flydubai ayaa ka shaqeynaysay magaaladda Hargeysa ee maamulka Somaliland, iyadoo hadda kusoo dartay Muqdisho, oo aan horey u imaan jiray.

Soomaaliya ayaa sanadihii dambe hormar dhanka hawada ah ku tallaabsanaysay, taas oo kor u sii qaaday duulimaadyada caalamiga ah ee soo gaaraya magaalada Muqdisho.