Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda magaalada Laascaanood

54

Xaaladda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa maanta degan, waxaana istaagay dagaalkii maalmahaan dambe ka socday magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in deganaasho aan caga badan ku taagneyn laga dareemayo magaaladaas, inkastoo ay weli isku horfadhiyaan ciidamada labada dhinac.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa Warbaahinta u sheegay in ciidamada dagaalamay ay weli aagag isugu jiraan, ayna suuragal tahay in markastaa uu dagaalka dib u qarxo.

Dagaalka Laascaanood oo socday 10 maalin oo xiriir ah ayaa soo gaaray xalay, waxaana dagaalkan barbar socday maadaafiic, taas oo kordhisay khasaaraha ka dhashay dagaalka.

Dhinaca kale Somaliland ayaa wafdi oday dhaqameedyo ah u soo dirtay gobolka Sool, si ay wada-hadal ula furaan hoggaanka dhaqanka ee gobollada Sool, Sanaag iyo Ceyn.
.
Madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi Cabdiraxmaan Saylici oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in odayaasha ay usoo baxeen xal raadin, si loo dhameeyo xiisadda taagan.

Sidoo kale waxaa uu intaasi ku daray in Somaliland ay dadkeeda isku xiran yihiin, isla-markaana ay u istaagi doonaan sidii looga hortagi lahaa colaadaasi.

Dagaalka ka socdo Laascaanood ayaa waxaa ku dhintay ku dhawaad100 qof, halka ay ku dhaawaceen illaa 400 oo kale oo u badan dad rayid ah oo aan waxba galabsan.