Maxaa looga hadlayaa Kulanka Maanta ee Golaha Shacabka?

48

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la filayaa in Maanta oo Arbaco ah inay mid kamid ah kulamadooda caadiga ah ku yeeshaan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa ku wargeliyay Xildhibaannada in Maanta oo Arbaco ah uu jiro kulanka, isla markaana Ajandayaasha Kulanka Maanta ay yihiin:

1. Akhrinta 3aad iyo u codeynta Hindise Sharciyeedka Nidaamka Maaliyadeed ee Kheyraadka Dhulka Hoostiisa

2. Akhrinta 1aad ee Hindise Sharciyeedka Socdaalka

Wararka kale aan helnay ayaa sheegaya in sidoo kale Maanta qorshuhu ahaa in Golaha Shacabka la horkeeno Sharciga Kalluumeysiga, balse Wasiirka Kaluumeysiga uu ka cudur daartay.