Barakacayaal ku dhibaateysan Xerada Camp Wardheer ee Duleedka Baardheere oo Codsadey in la gargaaro

112

Waxaa laga deyrinayaa xaalada Nololeed ee ay ku sugan yahiin Boqolaal Qoys oo degan Xerada Barakaca ee Camp Wardheer ee ku taala duleedka Bari ee degmada Baardheere,Dhibaatooyinka ay ka cabanaayn Qoysaskaasi oo u badan Beeraley iyo Xoolo dhaqato ay salki ciyeen Abaarta ayaa waxaa ka mid ah Cunno la,aan,Hoy la,aan,Biyo Yari iyo adeeega Caafimaadka oo aad u liita.

Cabdi Isaaq Madey oo ah Gudoomiyaha Xerada Barakaca Wardheere oo la hadlayey Warbaahinta ayaa sheegay meel halis ah in ay taagan tahay xaalada nololeed qoysaskan oo tiradoodu ay gaareyso ilaa 200 qoys ,kuaasi oo labo bil ka hor ka soo kala barabay deegaano ka kala tirsan Gobolka Bay,Gedo iyo deegaano kale oo hoostaga degmada Saakow.

Qaar ka mid Qoysaska degan Xerada Barakaca ee Camp Wardheer ayaa ka warbixiyey Dhibaatada xaga nolosha ah ee ay Qabaan ,waxatna sheegeen ilaa muddo labo bilood oo ay degeen xeradan in aysan helin Wax gargaar ah.

Ugu dambeen Ismaaciil Cumar Macalin oo ah Gudoomiyaha Gudiga IDP ee degmada Baardheere ayaa soo jeediyey Codsi baaq ah oo ku aadan in gargaar bini,aadinimo oo deg deg ah lala soo gaaro Qoysaskan deeganadooda ay ka sal kiciyeen Abaaraha.