Aadan Madoobe oo kulan la yeeshay Baydhabo Musharixiinta K/ Galbeed

30

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xalay kulan la qaatay qaar ka mid ah Midowga Musharraxiinta KGS iyo Madasha Samatabixinta Koonfur Galbeed, waxaana uu kala hadlay arrimaha shirka dib u heshiisiinta.

Kulanka Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Madasha Samatabixinta iyo Midowga Musharraxiinta Koonfur Galbeed ayaa waxay diirada ku sareen sidii loogu guuleysan lahaa gogosha taala magalada Baydhabo ee looga arrinsanaayo dib u heshiisiinta deegaannada Koonfur Galbeed.