Madaxii howlgallada Daacish oo lagu dilay Gobolka Bari

58

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya iska-horimaad culus oo Ciidanka Booliska ee Maamulka Puntland iyo Kooxda Daacish ku dhexmaray Degmada Balli-dhidhin ee Gobolka Bari.

Bayaan ka soo baxay Booliska Maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in dagaalkii ka dhacay Balli-dhidhin lagu khaarajiyay Abu-Albara Al Amani oo ahaa madaxii howlgallada ee Kooxda Daacish.

Bayaanka Booliska ayaa lagu xusay in howgalka lagu dilay Al Amani uu dhacay abaare 01:00 habeenimo 12kii bishaan.

11kii July ee 2021-kii ayaa Al Amani loo magacaabay in uu noqdo madaxa howlgallada Kooxda Daacish, maadaama la dilay hogaamiyihii isaga ka ka horeeyay ee lagu magacaabi jiray Abuu Waliid Al-Muhaajir.

Al Amani ayaa Boliiska Puntland sheegay inuu ka soo jeedo Gobolka Amxaarada ee dalka Ethiopia isla markaana uu Ethiopian badan ku qasbay in ay biiraan Kooxda Daacish.