Madaxweynaha Galmudug oo ka hadlay la wareegitaanka degaanka Ceelhuur

49

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa Warsaxaafadeed kasoo saaray qabashada Maanta ee Ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ee degaanka Ceelhuur oo u dhow degmada Xarardheere.

“Galmudug waxay bogaadineysaa howlgalka ciidamada qalabka sida, Daraawiishta Galmudug iyo ciidanka kacdoonka dib u xoreynta ay ku xoreeyeen deegaanka Ceelhuur.

howlgal qorsheysan oo ay si wadajir ah Maanta u fuliyeen ciidanka qalabka sida, Daraawishta Galmudug iyo ciidamada Kacdoonka shacabka oo iskaashanaya ayaa si buuxda gacanta ugu dhigay deeganka Ceelhuur ee Gobolka Mudug, halkaas oo gabi ahaanba laga saaray Al-Shabaab.

Madaxweynaha  Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa bogaadiyay ciidamada qalabka sida, Daraawiishta Galmudug iyo Kacdoonka shacabka ee ka dhanka ah Al-Shabaab, asagoona sidoo kale Madaxweynuhu dhiirageliyay shacabka Galmudug iyo ciidamada qalabka sida iney sii laba jibaaraan howlgalkan lagu xoreynayo deeganada Galmudug iyo Guud ahaanba Soomaaliya.