Wareysi:Odoyaal iyo Waxgaradka ku sugan degmada Baardheere oo ka Hadley Dhibaatada ka taagan Magaalada Laas-caanood.

80

Qaar ka mid Odoyaasha ku dhaqan degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa markii ugu horeysay waxay ka hadleen dhibaatada ka taagan degmada Laas caanood ee Gobolka Sool,halkaasi baryahii la soo dhaafey dibad baxyo lagu diidan yahay Maamulka Soomaliland ay sababeen khasarooyin isugu jira dhimasho,Dhaawac,Barakac iyo bur bur hantiyeed.

Suldaan Maxamed Weli Khaliif Axmed oo ka mid ah Odoyaasha degmada Baardheere  ayaa wareysi uu siiyey Radio Markabley,waxuu wax laga xumaado uu  ku tilmaamay waxa ka socda magaalada Laas caanood ee ay geysanayaan Ciidamada Somaliland inaan marnaba la aqbali Karin.

Suldan Maxamed Weli ayaa ka digey sii socoshada sida ay ula dhaqmayaan dadka shacabka ah Maamulka Somaliland in ay yahiin kuwa marnaba la aqbali Karin,waxuu ugu baaqey Maamulkaasi inay joojiyaan dhiiga ku daadanayo Laas canood.

Wariayaheen Axmed Cumar Saalixi oo warysi dheer la yeeshay Suldaan Maxamed Weli ayaa ugu horeen waxaa uu weydiiyey waxa xilligan uu ka cabanayo?

HOOS KA DHAGEYSO WAREYSIGA SULDAN MAXAMED WELI