Kadib markii saaka Magaalada Baydhabo uu ka bilaawday dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Ammaanka iyo kuwa siyaasiyiinta mucaaradka Koonfur Galbeed ayaa Wasiirkii hore ee maaliyadda Soomaaliya, Maxamed Aadan Ibraahim (Fargeeti), auu ku eedeeyay madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta Gareen inuu amar ku bixiyay weerar uu sheegay in lagusoo qaaday hoygiisa magaalada Baydhabo.
Wasiir hore Fargeeti oo Warbaahinta kula hadlayay Muqdisho wuxuu sheegay in Madaxweynaha Koonfur Galbeed cabdiasiis laftagareen muddo xileedkiisii Afarta sano ahaa uu dhammaaday, isla markaana wixii khasaaro ah ee ka dhasha dagaalka ka socda Magaalada Baydhabo.
Maxamed Ibraahim Fargeeti ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya iyo howlgalka ATMIS inay soo fara galiyaan xaaladda Koonfur Galbeed, lana xisaabtamaan cid kaste oo iska lahayd masuuliyadda khasaaraha ka dhashay dagaalka saaakay ka dhacay magaalada Baydhabo.
Dhinaca kale Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa dhankiisa sheegay in Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee cabdicasiis Xasan Maxamed ( laftagareen) lagula xisaabtami doono tallaaba kasta oo uu qaaday.