Waxaa Maanta xabad-joojin la kala dhex-dhigay labadii maleeshiyo Beeleed ee dhawaan dagaalka xooganaa uu ku dhemaray degaanno hoostaga degmada Cadalle oo katirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Intii uu socday dagaalka ayaa dhinacyadu ay iska dileen ku dhawaad 30 Ruux , iyada oo sidoo kale la gubay Guryo kuyaalla degaannadii lagu dagaamay ee gobolka Shabeellaha dhexe.
Odayaal Dhaqan oo uu horkacayay Imaamka Beesha Mudulood Imaam Daahir Imaam Maxamuud Imaam Cumar iyo Saraakiil ciidan ayaa la kulmay waxgaradka beelaha ku dagaalamayay degaannada geel-gub, Xaaji cali, ceelmuluq iyo labada garas ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Imaamka Beesha Mudulood Imaam Daahir Imaam Maxamuud Imaam Cumar ayaa dhinacyada ka dalbaday in xabadda la joojiyo inta la isaga imaanayo kulan weynaah guud ee dib u heshiisiinta ah, isla markaana ciidamada la kala qaado.
Nabaddoon Cali Cabdullahi ( Bood) ayaa sheegay in dhinacyadu ay qaateen go’aankii xabadda joojinta ahaaoo ay hordhigeen, sidoo kalena la kala qaaday labadii maleeshiyo beeleed ee dagaalamay, isla markaana la isku afgartay.
1: In la joojiyo xabadda
2: In la kala qaado Ciidamada labada dhinac ee dagaalamay
3: In la qabto shir lagu heshiisiinayo labada beelood ee dagaalamay.
Dagaallada ka dhacay degaannada hoostaga degmada cadalle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa ah kuwoo soo laab laabtay, iyada oo dhowr jeer heshiis la kala dhex-dhigay uu fashilmay.