Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada midoobay ayaa waxay sida ugu adag u cambaareeyeen falkii ay Al-Shabaab ka geysatay magaalada Muqdisho, 29-kii Oktoobar 2022, kaas oo ay ku dhinteen ku dhawaad 100 qof, in ka badan 300 oo kalena ay ku dhaawacmeen. Waxa ay sheegeen in ay aad uga xun yihiin, isla markaana ay tacsi u direen ehelada dadkii ku dhintay, shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo u rajeeyay caafimaad deg deg ah kuwii ku dhaawacmay.
Xubnaha Golaha Ammaanku waxay dib u xaqiijiyeen in argagixisadu nooc kasta iyo muuqaal kasta oo ay tahay ay ka dhigan tahay mid ka mid ah khataraha ugu daran ee nabadda iyo ammaanka caalamka. Waxa ay soo dhaweeyeen dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo taageero ka helaya Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ay kaga hortagayaan khatarta Al-Shabaab, waxayna ku booriyeen madaxda Soomaaliya in ay iska kaashadaan la dagaalanka Al-Shabaab.