Xildhibaannada baarlamanka dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta ugu dambeyn cod aqlabiyad leh ku ansixiyey xubnaha cusub ee maxkamadda sare ee maamulkaasi.
Kulan ay xildhibaanada ku yeesheen Garoowe ayaa lagu meel-mariyey xubanahaan, waxaana soo xaadiray kulanka 54 mudane oo ka tirsan Golaha wakiilada Puntland.
Illaa 53 xildhibaan ayaa u codeeyey ansixinta xubnaha maxkamadda sare, hal mudane ayaa ka aamusay, mana jirin cid diiday, sida uu shaaciyey guddoonka baarlamaanka.
Xubnaha cusub ee Maxkamadda sare ayaa sidaas ku helay kalsoonida baarlamanka waxaana lagu dhaariyay isla goobta.