Mareykanka iyo Ingiriiska oo ka hadlay qaraxyadii MUQDISHO

47

Qoraal ka soo baxay Aqalka Cad ee looga arrimiyo Mareykanka ayaa si weyn loogu dhalleeceeyey qaraxyadii maalintii Sabtida aheyd ka dhacay agagaarka Zoobe ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo geystay khasaare xoogleh.

Mareykanka ayaa weerarkan ku tilmaamay ‘mid naxdin oo fool xun’ lalana beegsaday xarunta Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ay garab taagan yihiin dowladda federaalka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, si loo helo xasilooni iyo nabad waarta.

Dhanka kale wasiirka arrimaha dibadda ee Ingiriiska James Cleverly ayaa ka hadlay weeraradii Zoobe, wuxuuna si adag u cambaareyey qaraxyadii ka dhacay halkaasi.

James Cleverly oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa sheegay in muragada iyo xanuunka ay la qaybsanayaan ehellada ay dadkooda waxyeelada kasoo gaartay qaraxyadaasi.

“Waxaan si adag u cambaareynayaa weerarkii fulaynimada ahaa ee argagaxa lahaa ee Sabtidii ka dhacay magaalada Muqdisho. Waxaan la murugoonayaa qoysaskii iyo asxaabtii dadkii sida xun loo dilay loona dhaawacay” ayuu ku yiri warka qoraalka ku yiri Cleverly.